Home / Macluumaad / Macbadka Shabeelka – Goob Dal-xiisuhu sawir kula galo Dugaagta.

Macbadka Shabeelka – Goob Dal-xiisuhu sawir kula galo Dugaagta.

Muqdisho – Meel dalxiisayaashu ay dhaweysan karaan Shabeelka si lamid ah Bisadaha, halkan waxaad ku arkaysaa waxyaalo aadan maalin kasta arki karin.

Macbadka Shabeelka Wat Pha Luang Ta Bua waa keynta buudiska ee Theravada. Gudaha Thailand waxay gabaad iyo daryeelba u aheyd noole badan oo halis ugu sugan dabargo’ oo ay kamid yihiin Shabeel tira badan.

Waxaa loo aas’aasay goob xanaaneed sanadkii 1994 halkaas oo xayawaan badan sida Shabeelka ay ka heleen gabaad. Shabeelkii ugu horreeyey waxay heleen sanadkii 1999, hayeeshe wuu dhintay in yar kadib.

Hadana waxay ku socdeen helidda tiro Shabeel yaryar ah oo waalidkoodii loo dishay haragooda ama badbaado nafeed.

Macbadka Shabeelka wuxuu ururiyay lacago badan wuxuuna awooday daryeelka tiro badan oo Shabeel ah. Waxay ku nool yihiin qoolado loo sameeyey waxaana inta badan loo idmaa inay ku meegaaraan gudaha.

Dal-xiisayaashu waxay ka eegtaan fogaan 10 mitir ka baxsan. Waxaa mararka qaar loo oggol yahay inay dhawaystaan ama laxawsadaan noolahan awoodda Ilaahay ku galaday. Inta laga hayo halista ay Shabeelka kala kulmeen daxiisayaasha ma badna. Taariikhda lahayana hal iyo wax ka badan ayaa dhacday in Shabeel uu weeraro dalxiise.

tiger1 tiger2 tiger7 tiger8 tiger9 tiger11 tiger12

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan