Home / Macluumaad / Macluumaad ku saabsan dalalka ugu dhulka yar Africa

Macluumaad ku saabsan dalalka ugu dhulka yar Africa

Himilo – Qaarada labaad ee adduunka ugu weyn, Africa, waxay ka kooban tahay 54 dal oo xor ah. Qaaraddu waxay ku fadhisaa 20.4% marka laga qiyaas qaado cabbirka dhulka.

Badda atlantic-ga ayaa qaarada ka marta dhanka galbeed halka dhan waqooyi ay ka jirto badda Mediterranean-ka sidoo kale badweynta India ayaa ka xirta dhanka koofur-bari

Hadaba halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa dalalka ugu dhul yar Africa

Shanta dal ee Africa ugu dhul yar waa Jaziirado. Waxaa kamid ah Seychelles, São Tomé and Príncipe, Mauritius, Comoros, iyo Cape Verde. Dalka ugu yar Africa ee aan jaziirad aheyn waa dalka Gambia.

1- Seychelles, waa dalka ugu dhulka yar Africa ‘451 square km’ sidoo kale waa dalka ugu dadka yar qaarada 94,228 qof ayaa ku nool.

2- Sao Tome and Principe, waa dalka labaad ee Africa ugu dhulka yar. Jasiiraddan bedka dhuleedkeedu waa 964 square km, waxaa ku nool 192,993 qof.

3- Mauritius, waxay ku taalaa badweynta India waxayna ku fadhidaa cabbir gaaraya 2,040 square km. caasimada dalkan waa Port Louis- waa goob dalxiiska qani ku ah.

4- Comoros, waxay dhacdaa badweynaha India, dhulka ay ku fadhiso jaziiradan waa 2,235 square km.

5- Cape Verge, dalkan waxa uu ka koobanyahay 10 jaziiradood oo yar yar waxa uu dhacaa badweynta Atlantic, cabirka dhulka ay jaziiradan ku fadhiso waa 4,033 square km.

Qore: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan