Home / Macluumaad / Macluumaad ku saabsan dalka Masar ‘Egypt’

Macluumaad ku saabsan dalka Masar ‘Egypt’

Himilo – Masar waa dalka ugu weyn waqooyiga Africa. Caasimada Masar ee Qahira waxay saddax jeer ka weyn tahay Magaalada New Mexico ee dalka Mareykanka

Masar waxay xad kala leedahay Mediterranean Sea dhanka waqooyi, jihada bari waxaa ka saaran gacanka cadmeed. Xaduuda ugu dheer Masar waxa ay la wadaagtaa dalka Sudan.

Magaca masar asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa Greek, magaalada ugu weyn Masar ee Qaahira waxaa ku nool 21 milyann oo ruux, Qaahira waa magaalada labaad ee ugu weyn Africa marka laga soo tago Logos Nigeria.

Jaamacada Al-Azhar oo la’aasaasay 975 AD ayaa ah Jaamacada ugu weyn Masar, illaha dhaqaale ee dalka marka laga sootago wejiba Nile oo ay Beeraleydu ku tiirsan yihiin waa Gacan-ka Suez oo la daah furay 1869-kii.

Tirada dadka reer masar waxay gaarayaan 104 milyan oo ruux, luqada rasmiga ah ee reer masar waa luqada carabiga.

72% shacabka reer masar waa dad wax aqriya halka muslimiitu ay yihiin 90%. Lacagta masar waa Egyptian Pound

Dadkii ugu horreeyay ee Masar soo daga waxay ahaayeen ugaarsato 9000 BC. Boqortooyadii ugu horreysay ee Masar waxay waxaa aasaasay boqor Menes qiyaastii 3150 BC.

Masar waxay ka mid noqotay dhulkii boqortooyadii Cusmaaniyiinta sanadkii1517-kii. Masar waxay madaxbannaanida ka qaadatay Boqortooyadii British 1922-kii, kadib kacaan-kii 1952 dalku waxa uu noqday Jamhuuriyad.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan