Waxaan halkan kuugu soogudbinaynaa 10 xaqiiqo oo ku saabsan qaaradda Africa.
1- Africa waxay ka koobantahay 54 dal, iyo 9 degaan oo madax-banaan. Inkabadan 1.3 bilyan oo qof ayaa ku nool. Taas oo u dhiganta 15% dadka adduunka inay Africa ku hoydaan.
2. Dalka ugu dhulka weyn Africa: Algeria, dalkani waxa uu ka midyahay 10-ka dal ee caalamka ugu dhulka weyn
3. Magaalada ugu weyn Africa: Lagos, Nigeria, waxaa ku nool inkabadan 22 milyan oo ruux, waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu koritaanka badan dunida, waxaa la qiyaasayaa inay noqoto magaalada ugu weyn caalamka sanadka 2100. 100 million ayay gaaridoonaan dadka ku nool
4. Dalka ugu yar Africa: Seychelles, waa jasiirad ku dhaxtaal badweynta India, waana Jaziirada ugu yar Africa, dhanka dalalka, marka laga tago jasiiradaha dalka ugu yar Africa waa dalka Gambia.
5. Jaziirada ugu weyn: Madagascar waxa ay ku taal badweynta India. Madagascar waa Jasiirada Afraad ee Ugu weyn adduunka, marka laga soo tago jaziiradaha Greenland, New Guinea and Borneo.
6. Webiga ugu dheer Africa: Nile (6,852 km/ 4,258 miles). Nile waa webiga ugu dheer caalamka waxa uu maraa 11 dalka. Nile waxa uu leeyahay labo il: isha White Nile oo ka timaado harada Victoria ee Tanzania iyo the Blue Nile oo ka timaada Lake Tana ee Ethiopia.
7. buurta ugu dheer Africa: buurta Kilimanjaro ee Tanzania. Kilimanjaro dhererkeeda waxaa lagu sheegaa 5,895 m/ 19,340 ft.
8. Harada ugu weyn Africa: Lake Victoria waxa ay kutaal xadka Uganda, Tanzania iyo Kenya waa harada labaad ee ugu biyaha macaan caalamka, keliya waxaa ka horeeya Harada Superior ee dhacda waqooyiga America.
9. Saxaraha ugu weyn Africa: lama-degaanka waqooyiga Africa ayaa ah saxaraha ugu kulul caalamka.
10. waxaa jira lix dal oo aan bad laheyn ‘Xiran’ gudaha Africa. Badi dalalkaas waxay dhacay bartamaha qaarada halka labo dalna ay ku dhax yaalaan dalka Koofur Africa
W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle
Primary septicemia is a systemic illness in a patient who has no wound infection preceding illness and is characterized by fever and shock and presence of V propecia for women And to the men who are on our side and love us fiercely it s simply not enough that you exist