Home / Habka-Nolosha / Macmiil Shirkad ganacsi u dacweynaya 4 senti

Macmiil Shirkad ganacsi u dacweynaya 4 senti

Himilo FM – Nin u dhashay Shiinaha oo magaciisa lagu soo koobay Xiao, waxa uu dacwad maxkamadeed ka gudbiyay shirkad ganacsi kaddib markii uu sheegay inay ka khiyaameen lacag dhan 0.04 Yuan una dhiganta ($0.008).

Mr Xiao waxa uu ka dukaameysanayay Yonghui Superstores wuxuu bixiyay 55 yuan una dhiganta ($8.16) si uu u iibsado adeeg jooga  54.76 yuan una sii dhiganta ($8.12), waxa loo soo celiyay 0.02 Yuan bedelkii 0.04 Yuan.

“ Waxaan bixiyay 55 lacag caddaan ah waxay ii soo celiyeen 0.02 Yuan, waxay sharci darro iiga qaateen 0.04 oo ah lacagta dalka Yuan-ka,” Mr Xiao ayaa sidaa ku sheegay wareysi gaaban.

Sida ka muuqata rasiidka Xiao waxa uu caddeyn u haystaa faraqa u dhaxeeya lacagta uu bixiyay iyo tan loo qaray. Difaacaha Yonghui Superstores waxa uu qirtay khaladka waxa uuna bixiyay raali gelin.


Garsooraha degmada Yanqiao  waxa uu amray in Xiao la siiyo lacagta ka maqan iyo sidoo kale 50 Yuan oo ah khidmada sharciga.

Warka Xiao waxa uu ku baahay warbaahinta gudaha ee Shiinaha, waxa uuna ku helay taageero ballaaran oo uga timid dadweyanha.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan