Home / Cayaaro / Madaxda Arsenal oo doonaya Mikel Arteta inuu noqdo macalinka xiga ee Naadiga

Madaxda Arsenal oo doonaya Mikel Arteta inuu noqdo macalinka xiga ee Naadiga

Himilo – Madaxda kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay si rasmi ah ugu doorteen xiddigii hore ee qadka dhexe Mikel Arteta inuu yahay qofka u sharaxan ee noqon doona macalinka rasmiga ah ee kooxda.

Naadiga ka dhisan Waqooyiga London ayaa bilaabay inay raadiyaan tababare cusub ka dib go’aankii kooxda ee shaqada looga ceyriyay Unai Emery jimcihii hore.

Arteta, oo hadda ah kaaliyaha Pep Guardiola ee Manchester City, ayaa lagu tilmaamaa inuu bartilmaameed ka yahay Brendan Rodgers, Carlo Ancelotti iyo Massimiliano Allegri.

Sida laga soo xigtay The Mirror, madaxda Arsenal ayaa go’aansaday in Arteta oo shan sano ku qaatay Emirates, inuu u adeegi doono Naadiga.

Xiddiga reer Spain wuxuu aad ugu dhawaa inuu noqdo shaqsiga ka badalaya  kooxda  Arsene Wenger, kaliya Ivan Gazidis ayaa door biday Emery.

Guardiola ayaa dhawaan ku adkeystay inuu filayay in Arteta uu sii joogo lambarkiisa labaad ee Etihad ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ugu yaraan.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan