Home / Cayaaro / Madaxda Barcelona oo beeniyay in Ousmane Dembele kooxda ka tegayo

Madaxda Barcelona oo beeniyay in Ousmane Dembele kooxda ka tegayo

Himilo – Sida ay ku warrameyso Barca Blaugranes, agaasimaha farsamada  Barcelona ee Ramon Planes ayaa hoos u dhigay wararka xanta ah ee sheegaya in garabka kooxda Ousmane Dembele si weyn loola xiriirinayo u dhaqaaqitaanka Manchester United xagaagan.

Manchester United ayaa la warinayay in ay isku dayayeen wakhti dheer in ay wadaxaajood la billaabaan Dembele, laakiin Barcelona ayaa xantaasi biyo qabow ku shubtay.

Xoghayaha farsamada Barcelona ee Ramon Planes ayaa sheegay in Ousmane Dembele uu yaalo kooxda Barcelona isla markaana aysan jirin waxa warbaahinta hadal heyso. Planes ayaa ku adkeystay in Barcelona aysan wax wadahadal ah la gelin Manchester United.

“Ugu horreyn, ma jiraan wax wadaxaajood ah. Isagu waa ciyaarayahan inoo xisaabsan, waan ognahay in awoodiisa, waan ku qanacsannahay waxaana uu ahaan doonaa kooxda,” ayuu yiri Planes.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan