Himilo -Xiddiga kooxda Barcelona waxa uu hadda wajahayaa xaalad adag marka loo eego caqabadaha ku hareereysan mustaqbalkiisa.
Madaxweynaha Argentina’ ninka lagu magacaabo Alberto Fernandez ayaa Lionel Messi ugu yeeray in dib ugu soo guryo noqdo dalkiisa hooyo isla markaana uu xirfaddiisa ciyaareed ku dhammeysto Newell’s Old Boys.
Mustaqnalka Messi maalmihii lasoo dhaafay ma uusan aheyn mid fadhiya marka loo eego hadal heynta warbaahinta maadama isagu si layaab leh u dalbaday codsi uu kooxda kaga dhaqaaqayo.
Kooxda Barcelona oo war kasoo saartay bixitaanka laacibka ayaa sheegtay in qiimaha lagu burburin heshiiskiisu yahay €700 milyan Yuuro oo doolar ahaan u dhiganta $823 miylan.
Inkasta oo ay taasi noqon doonto jawaab adag, haddana tartankiisa waxaa ku loolamaya kooxaha Manchester City, Paris Saint-Germain, Inter, Juventus iyo kooxo kale oo lala xiriirinayo.
Madaxweynaha oo farriin la wadaagay ayaa sheegay in Messi looga baahan kusoo laabashada dalkiisa Argentina.
“Waxaad inoo tahay wadnaheenna, marnaba kuguma aanan arag adiga oo ka ciyaaraya dalka,” ayuu firi Fernandez.
“Nasii fursad farxadeed isla markaana ku dhammeyso xirafaddaada ciyaareed kooxdaada Newell’s Old Boys”.
33-jirkaan ayaa shalay ka qeyb gelin tijaabada lagu sameeyay ciyaartoyda kooxda Barcelona taasi oo dhalisay shaki badan.