Home / Macluumaad / Madaxweynayaasha Africa ugu da’da weyn

Madaxweynayaasha Africa ugu da’da weyn

Himilo – Da’da madaxda qaarada Africa qaarkood waxay ka weyn tahay da’da howlgab-ka ‘Retirement’ ee shaqooyinka looga fariisto.

Da’da howgabka inta badan dalalka Africa waa 60 sanno, si kastaba qaar kamid ah madaxda Africa waxay hoggaamiyaan dalalkooda iyagoo ka weyn 60 sanno.

Halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa 6 madaxweyne ee Africa ugu da’da weyn Afrikada madow

  1. Paul Biya – madaxweynaha Cameroon, wuxuu dhashay  13 bishii February, sanadkii 1933. Wuxuu xukunka yahay taniyo November 1982. Paul Biya waxa uu ku jiraa 10-ka madaxweyne ee caalam-ka ugu da’da weyn. Wuxuu imika jiraa  88 sano.
  2. Alpha Condé –  madaxweynaha Guinea, wuxuu ifka yimid afartii March 1938. Wuxuu hadda jiraa 83 sano. Alpha Condé Madaxweynaha Guinea waxaa loo doortay 2010, Kadib labo iskuday oo guurdaro ah intii u dhaxeysay 1993 iyo 1998. imaatinkiisii xafiiska waxay aheyd guulweyn oo u soo hoyatay shacabka Guinea maadaama uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo doortay, haatan af-gambi ayaa dalkiisa ka dhacay balse dowladdiisa ayuu caalam-ku aqoonsanyahay.
  3. Alassane Ouattara – madaxweynaha Ivory Coast,  wuxuu dhashay kowdii bishii January sanadkii 1942. Wuxuu jiraa 79 sano. Alassane Dramane Ouattara waxa uu madaxweyne yahay taniyo 2011-kii, ka hor xilligaa waxa uu ahaa Ra’iisul-wasaare. Ouattara wuxuu heystaa fursad kale oo uu ku tartami karo in uu sii ahaado hoggaamiyaha Ivory Coast.
  4. Muhammadu Buhari – madaxweynaha Nigeria, wuxuu dhashay 17 bishii December sannadkii 1942. Iminka wuxuu jiraa 78 ssano. Madaxweyne Buhari wuxuu hoggaanka Nigeria soo qabtay 1983 kadib af-gambi ay sameeyeen ciidan uu hogaaminayey. Mar kale waxaa la doortay 2015-kii kadib saddax iskuday oo uu ku guuldareystay
  5. Nana Akufo-Addo – Madaxweynaha Ghana, wuxuu ifka ku soo biiray 29 bishii  March sanadkii 1944.Hadda waa  77 jir. Madaxweyne Nana waxa ku guuldareystay labo doorasho oo Ghana ka dhacday 2008 iyo 2012, balse doorashadii 2016 ayuu soo fuulay masraxa kadib markii uu guuleystay. Horay waxa uu u soo noqday wasiirkii arrimaha dibada 2003 illaa 2007.
  6. Yoweri Museveni – madaxweynaha Uganda, wuxuu dhashay 15 bishii August sanadkii 1944. Waa 77 jir weli shaqada ku sii taamaya sii joogideeda. Yoweri Museveni waxa uu qeyb ka ahaa maleeshiyadii awooda ka tuurtay madaxweyne Idi Amin ‘1979, iyo Madaxweyne Milton Obote (1980–85). Taas waxay u suuragalisay in uu awooda dalka gacanta ku dhigo isagoo illaa iyo hadda hoggaanka u haya Uganda.

W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. aircrafttechnical service firm Timco Aviation Services Inc for 388 grapefruit and viagra cialis what does quetiapine apotex do In a court filing late Thursday afternoon, Kodak said all classes of eligible creditors voted in favor of its Chapter 11 plan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan