Home / Cayaaro / Madaxweyne Bartomeu: Messi uma oggolaan laheyn inuu ku biiro koox aan loolanno

Madaxweyne Bartomeu: Messi uma oggolaan laheyn inuu ku biiro koox aan loolanno

Himilo – Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in uusan u oggoleyn in Lionel Messi ka dhaqaaqo kooxda isla markaana uu ku biro koox ay xafiiltamaan.

Lionel Messi ayaa ku qarash garreeyay waayihiisa ciyaareed kooxda Barcelona, halkaasi oo uu kula guuleystay 34 koob, oo ay kamid yihiin 10 La Liga, afar UEFA Champions League iyo lix Copa del Rey. Messi ayaa hantay lix jeer abaalmarinta Ballon d’Or halka sidoo kale uu hantay lix mar Kabta Dahabka qaaradda Yurub intii uu joogay Barcelona.

Si kastaba, laacibka reer Argentina ayaa lala xiriirinayay in uu ka tegayo Barcelona muddooyinkii danbe inkasta oo ay Barcelona ka biya diiday arrinkaasi.

“Waxaan diidnay go’aan uu Messi gaaray oo aheyd in mid kamid ah kooxaha aynu loolanno uu ku biro, taasina waxay aheyd wax aan aqbali weynay”. Ayuu yiri madaxweyne Bartomeu.

Messi ayaa ugu danbeyn go’aansaday sii joogista Barcelona inta ka dhiman fasal ciyaareedkan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan