Home / Habka-Nolosha / Madaxweyne Obama oo carqalad ku noqday tababarkii kooxda Swansea City

Madaxweyne Obama oo carqalad ku noqday tababarkii kooxda Swansea City

Kooxda kubadda cagta Swansea ayaa safarkeeda ay isugu diyaarinayso xagaaga cusub ku joogta magaalada Washington DC ee xarunta dalka Mareekanka.

Madaxweynaha dalkaa ayaana caqabad ku noqday kooxda Premier League ka cayaarta oo isku diyaarineysay tababar kahor kulanka ay la balan santahay Richmond Kickers, sida uu sheegtay daafacooda Angel Rangel.

Rangel ayaa sheegay in cayaartoydu ka habsaameen tababarkooda, maadaama waddooyin badan ay u xirnaayeen gaadiid siday wufuud uu horkacayay Madaxweyne Obama.

“Cidna ma canbaareyn Madaxweynaha, laakiin hotelkeena ayaa inyar u jira aqalka cad, waxaana waddooyinka la xiray muddo saacad ah maadaama Madaxweynuhu kasoo laabanayay shir ganacsiyeed caalami ah.” ayuu Rangel u sheegay bogga kooxdiisa.

Kulankii ugu horeeyay ee xagaaga cusub ay isugu diyaarineyso Swansea City ayaa ku dhammaaday 4-0 oo ay kaga taqaluseen  Charlotte Independence.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan