Madaxweynihii hore ee Barca Bartomeu oo ay booliska Spain ka qabteen gurigiisa

Himilo – Madaxweynihii hore ee Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ka mid ah dadka la xiray subaxnimadii Isniinta iyadoo ciidanka booliska Catalan ay weerareen xafiisyada kooxda, sida ay sheegayaan wararka.

Warka ugu weyn ee Barcelona wuxuu la xiriiraa kiiska oo loo yaqaan ‘Barçagate’ – kaas oo kooxdu kireysatay shirkad saddexaad si ay u ceebeyso shaqsiyaad  gudaha iyo dibedda kooxda ku sugan.

Madaxweynihii hore ee Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa la sheegay in booliska ay gurigiisa ka kaxeysteen saaka. Bartomeu iyo guddigiisa waxay iska casileen boosaskoodii garoonka Camp Nou bishii Oktoobar.

Maamulaha guud Oscar Grau, madaxa sharciga Roman Gomez Ponti iyo Jaume Masferrer – oo ahaa gacantii midig ee hore ee Bartomeu – ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ka mid ahaayeen dadka ay booliisku xireen.

ku lug lahaanshaha Barcelona ee shirkadda I3Ventures ayaa la shaaciyay bishii Febraayo ee sanadkii hore, ka dib markii Barcelona ay soo saartay bayaan ay ku beenineyso warbixin ka soo baxday idaacada Cadena Ser oo sheegeysa in kooxda ay bixineyso gacan saddexaad si loo waxyeeleeyo sumcadda dadka kale.

Sannadkii hore, barnaamijka ‘Cadena Ser’ ee El Larguero wuxuu daaha ka qaaday dukumiintiyo ka yimid Barcelona oo u muuqday inay muujinayeen inay kooxdu bixinayso gacan saddexaad si loo waxyeeleeyo sumcadda shaqsiyaadka, oo ay ku jiraan ciyaartoydooda  Lionel Messi iyo Gerard Pique – kuwaasoo loo arkay inay yihiin kuwo ka soo horjeeday madaxweynihii xilligaas  Bartomeu.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan