Home / Cayaaro / Madaxweynihii hore ee Barca Bartomeu oo ay booliska Spain ka qabteen gurigiisa

Madaxweynihii hore ee Barca Bartomeu oo ay booliska Spain ka qabteen gurigiisa

Himilo – Madaxweynihii hore ee Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ka mid ah dadka la xiray subaxnimadii Isniinta iyadoo ciidanka booliska Catalan ay weerareen xafiisyada kooxda, sida ay sheegayaan wararka.

Warka ugu weyn ee Barcelona wuxuu la xiriiraa kiiska oo loo yaqaan ‘Barçagate’ – kaas oo kooxdu kireysatay shirkad saddexaad si ay u ceebeyso shaqsiyaad  gudaha iyo dibedda kooxda ku sugan.

Madaxweynihii hore ee Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa la sheegay in booliska ay gurigiisa ka kaxeysteen saaka. Bartomeu iyo guddigiisa waxay iska casileen boosaskoodii garoonka Camp Nou bishii Oktoobar.

Maamulaha guud Oscar Grau, madaxa sharciga Roman Gomez Ponti iyo Jaume Masferrer – oo ahaa gacantii midig ee hore ee Bartomeu – ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ka mid ahaayeen dadka ay booliisku xireen.

ku lug lahaanshaha Barcelona ee shirkadda I3Ventures ayaa la shaaciyay bishii Febraayo ee sanadkii hore, ka dib markii Barcelona ay soo saartay bayaan ay ku beenineyso warbixin ka soo baxday idaacada Cadena Ser oo sheegeysa in kooxda ay bixineyso gacan saddexaad si loo waxyeeleeyo sumcadda dadka kale.

Sannadkii hore, barnaamijka ‘Cadena Ser’ ee El Larguero wuxuu daaha ka qaaday dukumiintiyo ka yimid Barcelona oo u muuqday inay muujinayeen inay kooxdu bixinayso gacan saddexaad si loo waxyeeleeyo sumcadda shaqsiyaadka, oo ay ku jiraan ciyaartoydooda  Lionel Messi iyo Gerard Pique – kuwaasoo loo arkay inay yihiin kuwo ka soo horjeeday madaxweynihii xilligaas  Bartomeu.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan