Magaalo Allahu Akbar oo lala qeyliyo la isku tooganayo!

Venice – Qof kasta oo ku qeyliyay kalmadda Allahu Akbar waa la toogan doonaa, sidaas waxaa yiri maayarka magaalada Venice ee dalka Talyaaniga.

Maayarka katirsan Xisbiga Garabka fog, Luigi Brugnaro, waxaa lagu soo warramay inuu warkan ka sheegay kal-fadhi ka dhacay  Rimini kadib weerarkii ka dhacay Barcelona. Wuxuu sheegtay in: qof kasta oo -isaga oo ku sugan St Mark’s Square – ku qeyliya Allahu Akbar,  waxaa laga toogan doonaa afarta jihood.

Faaqidista qorshaha ay kaga hortagaan falalka argagaxiso ee ka dhacay Paris, London, Barcelona iyo meelo Yurub kamid ah, wuxuu yiri; “Waxaan u baahannahay inaan sare u qaadno heerka amnigeenna iyo halista argagaxisada. ”

“Waxay sheegaan inay doonayaan inay Ilaahooda la kulmaan: annaguna si toos ah ayaan ugu diraynaa. Uma baahnaa inay buudooyinka iska xooraan. Waan tooganaynaa,” ayuu sii raaciyay.

Maayarka magaalada Florenca, Do Nardella waxaa lagu qasbay inuu raali-gelin bixiyo markii uu shirka kaga dhex qeyliyay Allahu Akbar. Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu ku raali-geliyay bulshada Muslimiinta. “Uguma tala-gelin inaan diinta ku jeesjeeso.”

Allahu Akbar ama Allaa Weyn, micnaheedu kama dhigna in loo adeegsado ama lagu banneysto dilka dadka aan Muslimiinta ahayn iyo xittaa kuwa Muslimka. Balse sanadihii dhawaa, waxaa soo if baxayay ururro si qaldan uga turjumaya heybadda iyo quruxda Islaamka. Waxayna taasi dadka aan Muslimiinta ahayn ku reebaysaa inaysan ku kalsoonaan ereyada naxariista leh oo ay diinteennu u taagan tahay.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan