Home / Macluumaad / Magaalo iska diiday in sawirro lagu galo dhexdeeda – Quruxsanaanteeda awgeed!

Magaalo iska diiday in sawirro lagu galo dhexdeeda – Quruxsanaanteeda awgeed!

Muqdisho – Dhacda buuraha Alpa una dhow kob-dalxiiseedka St. Moritz, Bergün/Bravuogn waa mid kamid ah xaafadaha buuraleyda kuwa ugu qurux badan ee qaaradda Yurub. Aad u qurux badan, oo dhabtii sawirrada laga qaaday ee lagu baahiyo baraha bulshada ay dad badan ka dhigtay inay ka niyad-jabaaan – nasiib xumo – inaysan booqan karin. Sidaas darteed, waaxda dowladda hoose ee magaalada ayaa hadda mamnuucday in sawirro lagu galo halkan.

Laga yaabee inay kuula dhawaaqdo si kajan ah, hayeeshe maayarka magaalada ayaa sheegay inay u mamnuuceen arrintam. Buuraha joogada dheer iyo deegaan qurux sanaanta ay dadka ka eegta baraha bulshada ku beerto hinaase iyo niyad-jab.

Si loo hir-geliyo mamnuucista, ganaax dhan €5 qof kasta oo lagu helo isaga oo sawir ka qaadaya goobaha kala duwan ee degmada.

Marka loo eego war-qoraal ah oo kasoo baxay waaxda dalxiiska dowladda hoose ee Bergün; “Waxaa cilmi ahaan la ogaaday sawirrada fasaxyada lagu galay halkan in markii baraha bulshada la dhigay ay dad badan ku beertay niyad-jab. Waayo waxay jeclaan lahaayeen inay halkaas ku sugnaadaan.

“Bergün waa meel qurux badan. Madoonayno in dadka dibadda ay hinaase ka qaadaan sawirrada halkan lagu galo. Waxaan dhabtii kugu casuumaynaa inaan adiga laf ahaantaada timaado halkan,” ayuu yiri Peter Nicolay. “Waxaan ku faraxsanahay dadka deegaanka ay heystaan farxadda dadka oo dhan. Taasi waxay iga dhigaysaa inaan ku faano.”

In kasta oo baraha bulshada la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay mamnuucista, badi dadku waxay tani ku tilmaamayeen xayaysiin iyo suuq-geyn iska cad. Balse si walba oo ay tahay, waxaa xaq ay degmadani u yeelatay inay mamnuucdo sawirrada maadaama ay waqti badan ku bixiyeen deegaan quruxsanaantooda.

 

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan