Home / Deegaan / Magaalo ku taalla Croatia oo guryaha lagu iibinayo wax ka yar hal dollar

Magaalo ku taalla Croatia oo guryaha lagu iibinayo wax ka yar hal dollar

Himilo – Magaalo ku taalla waqooyiga Croatia oo la yiraahdo Legrad waxaa guryaheeda lagu kala gadanayaa lacag ka yar hal doollar.

Magaaladan oo mar aheyd midda ugu dadka badan waqooyiga ayaa muddo dheer wajahaysay hoos u dhac ku yimid dadka deggan. Hadda waxaa ku nool bulsho gaareysa 2,250 kuwaas oo kala bar ay da’doodu gaartay 70 sano.

Mashruuca dib loogu degaameynayo ujeedadiisu waxay tahay in mar kale laga dhigo meel bulsho ah. Si dadka loo jecleysiiyo guryihii laga tagay waxaa lagu iibinayaa wax ka yar hal doollar.

Dadka doonaya inay guryahaas iibsadaan waxaa jira shuruudo laga rabo sida inay xaqiiqiyaan inay ugu yaraan deganaan doonaan 15 sanno oo xiriir ah.

Magaalada oo ku taalada dhanka xadka Hungary waxaa is bedelay muuqaalkeeda; waxaa ku wareegsan dhul cagaaran iyo keymo, guryaha malaha daaqado iyo albaabo, derbiyadana waxaa qariyay dhir.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan