Home / Arrimaha Bulshada / Magaalo ku taalla South Korea oo lamaaneyaasha carruurta leh la siineyo lacag

Magaalo ku taalla South Korea oo lamaaneyaasha carruurta leh la siineyo lacag

Himilo – Dhammaan lammaanayaasha ku nool magaalada Changwon ee dalka Koonfurta Kuuriya waxay helayaan 100 milyan oo lacagta dalkaas ah una dhiganta 92,000 oo Dollar. Siismadan waxaa heli doona keliya kuwa leh carruurta.

Warbaahinta South Korean network ee loo soo gaabiyo KNN ayaa tebisay sheekadan, waxaa lagu sheegay in lagula dagaalamayo hoos u dhaca bulshada gobolka iyo waddanka oo dhan.

Haddii lammaaneyaashu ay leeyihiin hal canug daymaha lagu leeyahay boqolkiina 30 waa laga cafin doonaa, haddii qoyska ay u joogto saddex canug daymaha oo dhan ayaa laga cafinayaa.

Waaxda qorsheynta ee gobolka magaalada Changwon ayaa laga soo xigtay in siyaasaddan ay tahay curis cusub oo lammaaneyaasha iyo dhalashada badin doona sida laga filayo.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan