Himilo -Magaca haweenay u dhalatay Mareykanka ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada kaddib markii la guddoonsiiyay darajada cilmiyeed ee PhD-da sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.
Haweenayda oo lagu magacaabo Marijuana Pepsi Vandyck ayaa ka baxday jaamacadda Cardinal Stritch University iyadoo xambaarsan magaceeda oo layaab ku noqday dad badan.
Dad badan ayaa soo jeediyay in haweenayda beddasho magaceeda iyadoo u maraysa hannaanka sharciga ah hase ahaatee waxay u muuqataa in Marijuana Pepsi aysan u qorsheysneyn taasi.
Wargeyska Newyork Daily News ayaa qoray in Marijuana oo ah hooyo heysata afar carruur ah inay ku qanacsan tahay magaca ay ula baxday hooyadeed inkastoo culeysyo badan ay la kulmeysay tan iyo carruunimadeedii.
Waxay sheegtay dhaleeceynta iyo cambaareyntaba inay ka dhigeen qof adag islamarkaana ku qanacsan nafteeda laakiin Marijuana waxay isweydiinaysaa sida hooyadeed ugu doortay magaca dadka ku heystaan.
Arrinta xiisaha leh waxay tahay in Marijuana yahay daroogo siyaabo kala duwan loo isticmaalo halka Pepsi-ga uu yahay cabitaanka shirkadda PepsiCo. Haweenayda ayaan marnaba isticmaalin daroogada iyo cabitaanka loogu magac daray.
Marka laga yimaado dadka ka soo horjeestay magaca haweenayda, waxaa jiray boqolaal qofood oo taageeray Marijuana oo ay ku sheegeen qof adag iyaga oo ugu hambalyeeyay guusheeda darajada PhD-da.