Majaajiliste guri kula nool siddeed xaas

Himilo – Majaajiliste caan ah oo ku nool Thailand ayaa qabsaday baraha bulshada waddankiisa kaddib markii shaaca laga qaaday inuu hal guri nolol kula wadaago siddeed xaasas ah kuwaas oo dhamaantood ku qanacsan noloshiisa.

Ong Dam Sorot wuxuu siddeediisa xaas ugu yeeraa hal qoys oo farxad badan. Muuqaal lasoo dhigay Youtubeka oo mar qura si fudud ku gaaray 3 milyan, Sorot wuxuu mid mid uga sheekeynayaa sida uu xaasaskiisa ula kulmay iyo noloshooda. Sideedda xaasas laf ahaantoodu waxay seygooda ku tilmaameen mid naxariis, qaddarin iyo dulqaad badan ee dunida saaran.

Midii koowaad waxay isku barteen xafladda arooska saaxiibkiis; tan labaad suuqa ayay isku barteen halka tan saddexaadna ay isku barteen isbitaalka. Inta kale waxay iska barteen baraha bulshada

Midda ugu dambeysa waxay is barteen isaga oo ay dhinac socdaan afar kamid ah xaasaskiisa xilli ay dalxiis ku jireen

Iyada oo ka hadlaya aragtideeda xaaska koowaad waxay sheegtay in haddiyo jeer seygeedu ahaa mid ka tala-galiya yeelashada xaas labaad; iyaduna ay ahayd mid ku qanacsan inay rabitaankiisa ku raacdo.

Xaasas kale waxay sheegeen inay ogaayeen inuu xaasle yahay balse waxa ay ka joogi waayeen uu noqday quruxdiisa, dabeecaddiisa iyo muuqaalkiisa soo jiidashada leh – jaceylka ay u qaadeen awgeedna uu ku qasbay inay ku guursadaan.

Sorot wuxuu sheegay inuu xaasaskiisa kula dardaarmay inay daacadnimo isku muujiyaan iyo inaysan jecleysan in midkood uu ku keliyoobo. Sheekadan ayaa hadalheyn ka dhex abuurtay baraha bulshada.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan