Home / Habka-Nolosha / Makhaayad wayday shaqaale oo shaqaaleysiineysa Robotyo

Makhaayad wayday shaqaale oo shaqaaleysiineysa Robotyo

Himilo – Makhaayadda Sugar Mediterranean Bistro oo ku taalla dalka Mareykanka aya barteeda facebook soo dhigtay muuqaal ay ciwaan uga dhigtay fiiri hawl wadeenadeena cusub.

Muuqaalka waxaa ka muuqda rotob gudaha makhayaadda ka dhex shaqeynaya isla markaanna cunnada iyo cabbitaanada geynaya miisas loo amro ee ay fadhiyaan macaamiisha.

Ana Ortiz maamulaha guud ee makhaayadda ayaa sheegtay in robotyada ay shaqaalaha ka caawiyaan hawlaha. Waxay intaa ku dartay in shaqada robotyada la hubiyay balse aan laga maarmi Karin shaqaalaha iyo la macaamilkooda dadweynaha.

“Ma dooneyno inaan shaqaalaha kala dirno, waan jecel nahay inaan aragno, waxaa na xiiso gelinaya inaan aragno wejiyadooda oo faraxsan. Waxaan nahay hal qoys.”

Ms. Ortiz waxay sheegtay inay aragtidan ku dhalatay kadib markii xariyaadda COVID-19 ay ka hor istaagtay inay shaqaalo ku filan qaataan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan