Home / Caafimaad / Malabka: Dawada Harkabka

Malabka: Dawada Harkabka

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Malabka waxa uu kaga wanaagsan yahay dawada qalajiyaha ah la tacaalidda Herkabka.

Sida ay muujineyso natiijada Daraasad ay saameeyeen baarayaal ka tirsan jaamacadda Oxford, Malabka ayaa lagu daweyn karaa Herkabka.

Maadooyinka ku jira dareerahan dabiiciga ah ayaa qofka u fududeynaya inuu ka bogsado astaamaha lagu yaqaano herkabka sida, Qufaca, Sanka oo xirma iyo Dhuun xanuunka.

Xogta Cilmibaarista oo lagu faafiyay warsidaha Evidence-Based Medicine, ayaa lagu sheegay malabku inuu si fudud ula fal gali karo habdhiska Neef-mareenka Aadanaha isaga oo la dagaalami kara caabuqyada ku dhaca si gaar ah herkabka.

Si la mid ah dawada Qalajiyaha ah Malabku malaha dhinac taban, waxeyna cilmi-baarayaashu kula talinayeen dhaqaatiirta inay u qoraan bukaanadooda baldelka dawada.

Baarayaashan ma aysan tilmaamin nooc gaar ah oo lagu daweyn karo herkabka,waxeysa leeyihiin waa dawo qiimaheeda la ogeyn karo.

Ka hor Daraasaddan dadka ayaa malabka u adeegsan jiray la tacaalidda qufaca,waxaana laga heli karaa ugu yaraan guri waliba.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan