Home / Caafimaad / Malabkii ugu qaalisaa oo Turkiga lagu kala gadanayo

Malabkii ugu qaalisaa oo Turkiga lagu kala gadanayo

Himilo – Centauri oo ah nooc malabka ka mid ah ayaa sameeyay diiwaan ama rikoor cusub kadib markii hal kg oo noociisa ah lagu kala gatay gudaha Turkiga £8,700 Pound sterling oo u dhiganta $12,040 Doollar.

Malabkan ayaa la sheegay inuu midabkiisu madow yahay isla markaana uu dhadhankiisu xaraar/qaraadh yahay. In dawo ahaan loo adeegsado ayaa qiimihiisa sare u qaaday.

Waxyaabaha ku jira malabkan ee laga helo waxaa ka mid ah magnesium, potassium iyo macaadin kale. Sannadkii mar ayaa la helaa halka noocyada kale ee malalbka la helo sannadkii ilaa saddex jeer.

Aasaasaha shirkadda xannaaneysa Shinnida Ahmet Eren Cakir ayaa sheegay in malabkan aan laga heli Karin suuqyada iyo dukaamada,  shinnida oo aan soo saarin wax badan darteed.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan