Home / Cayaaro / Man United, Chelsea, iyo Tottenham oo ku hardamaya xiddig ka tirsan Brighton

Man United, Chelsea, iyo Tottenham oo ku hardamaya xiddig ka tirsan Brighton

Himilo – Sida ay ku warrameyso Sky Sports, Brighton & Hove Albion daafaceeda Ben White ayaa xiisa ka helaya kooxaha Premier League ee kala ah Manchester United, Chelsea, iyo Tottenham Hotspur.

Ben White  ayaa kamid ah wax soo saarka akadeemiyadda da’yarta Brighton & Hove Albion isaga oo kulankiisii ugu horreeyay kasoo muuqday kooxda 2016. Kaddib waxa uu amaah kusoo qaatay kooxo kala geddisan.

23 jirkaan fasalkii dhammaaday waxa uu si wanaagsan ugu ciyaaray naadiga Leeds United, wuxuuna u ciyaaray 46 kulan, Leeds ayaana kasoo dalacday horyaalka heerka labaad waxayna hadda ciyaareysaa Premier League. Ben White ayaa hantay abaalmarinta xiddiga ugu yar EFL Championship.

Ben White hadda waxa uu kamid yahay wadnaha joogtada naadiga Brighton. Laacibkaan qaab ciyaareedkiisa waxa uu soo jiitay kooxahan Manchester United, Chelsea, iyo Tottenham Hotspur.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan