Home / Cayaaro / Man United oo ka joojin karta Fernandes inuu u ciyaaro xulkiisa bishaan

Man United oo ka joojin karta Fernandes inuu u ciyaaro xulkiisa bishaan

Himilo – Manchester United ayaa ka joojin karta Bruno Fernandes inuu u ciyaaro Portugal dhamaadka bishaan, tababaraha Ole Gunner Solskjaer ayaa si maldahan u sheegay.

United ayaa u muuqata inay raaceyso hoggaanka kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool, taasoo aan u ogolaan doonin ciyaartoyda inay u safraan kulamada caalamiga bisha Maarso haddii ay karantiil noqdaan soo laabashadooda.

Solskjaer ayaa yiri macno malahan haddii aad lumiso ciyaaryahankaaga 10 maalmood oo go’doomin ah.

“Waxaan nahay kuwa mushaarka siiya ciyaartoyda, wixii aan ka fahmayna waa sharciga, FIFA waxay siisay sharciga ma ahan in lasii daayo sidaa darteed waxaan u maleynayaa inay taasi noqoneyso wicitaan adag oo la sameeyo – in loo fasaxo inay ka ciyaaraan liiska-casaanka. “

Haddii Fernandes uu ciyaari lahaa kulanka Portugal ee Azerbaijan, Serbia iyo Luxembourg, waxay sababi kartaa inuu maqnaado ilaa seddex kulan oo United ah inta u dhaxeysa Abriil 3-10. Daafaca reer Brazil Alex Telles ayaa ah mid kale oo ay saameyn kuu yeelan karo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan