Himilo – Sida ay ku warrmeyso Express, Manchester United ayaa u dhaqaaqeysa halyeyga Bayern Munich ee David Alaba.
Laacibka qaranka Austria heshiiska uu kula jiro Bayern Munich waxa uu dhacayaa dhammaadka fasal ciyaareedkan, xilli ay jiraan wada xaajood u dhaxeeya labada dhinac, Alaba ayaana ka hadli doona mustaqbalkiisa bisha January.
Manchester United oo noqoneysa kooxdii ugu danbeysay ee ku biirta tartanka loogu jiro Alaba, ayaa u baahan xiddig ay ku xoojiso daafaceeda si ay saameyn u yeeshaan xilli ciyaareedkan.
Laacibkan waxaa sidoo kale xiiseynaya kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.