Himilo – Gigio Donnarumma ayaa ku soo bilaaban doona kulanka Milan ee ay la ciyaarayaan Manchester United Khamiista, iyadoo Man Utd ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo gool-hayaha reer Italy.
Qandaraaska Donnarumma ee Milan ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka labada dhinac wali wax heshiis ah ma gaarin.
Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan dalabyada dhaqaale ee Mino Raiola ee qandaraaska cusub ee Donnarumma.
Sida laga soo xigtay Il Corriere dello Sport, wakiilka ayaa doonaya qandaraas cusub oo 10 milyan euro sanadkii ah si loo kordhiyo joogitaanka Donnarumma ee Milan.
Rossoneri ma awoodi karto inay bixiso inta badan waxayna rajeyneysaa inay hesho tanaasul u ogolaanaya 21 jirkaan inuu mushahar kordhin u sameeyo qandaraaskiisa haatan ee 6 milyan euro sanadkii.
Sida laga soo xigtay wargeyska Il Corriere dello Sport, Manchester United ayaa il gaar ah ku heysa ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Italy, iyadoo Man Utd ay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa Donnarumma oo ah wakiil xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkaan.
Donnarumma ayaa ku soo bilaaban doona kulanka Rossoneri ee ka dhacaya Old Trafford khamiista lugta hore ee Europa League wareega 16-ka wuxuuna ujeedkiisu yahay inuu ilaashado shaabaqiisa marki ugu horreysay ee tartanka xilli ciyaareedkan.