Home / Cayaaro / Manchester City oo beddelka Raheem Sterling u aragta Serge Gnabry

Manchester City oo beddelka Raheem Sterling u aragta Serge Gnabry

Himilo – Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay u dhaqaaqdo saxiixa garabka Bayern Munich Serge Gnabry haddii Raheem Sterling uu baxo xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa dhaliyay 14 gool, 34 kulan oo uu saftay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay ku guuleysato horyaalkii 10aad oo xiriir ah Bundesliga.

Qandaraaska Gnabry ee haatan ayaa dhacaya sanadka soo socda, waxaana lagu soo waramayaa inuu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda. Haddii aan heshiiska la isku fahmin waxaa lagu wadaa in la iibin doono.

Sida laga soo xigtay The Sun, Man City ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay la soo wareegto Gnabry si uu u noqdo beddelka Sterling haddii uu xiddiga reer England ka tago kooxda xagaagan.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal ayaa dhaliyay 64 gool, 171 kulan oo uu u saftay Bayern, waxaana uu kula guuleystay afar horyaal iyo koob Champions League waqtigiisii kooxda.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan