Home / Cayaaro / Manchester City oo beenisay soo qaadashada Kalidou Koulibaly

Manchester City oo beenisay soo qaadashada Kalidou Koulibaly

Himilo – Madaxa Manchester City ee Omar Berrada ayaa beeniyay wararka sheegaya in Cityzens isku dayday soo qaadashada daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly.

City ayaa suuqa ka dooneysay dhowr ciyaartoy kuwaasi oo u badan daafac dhexe si ay u xoojiso safkeeda, Koulibaly ayaana kamid ahaa xiddigaha sida joogtada loola xiririnayay imaanshiyaha Etihad bilihii lasoo dhaafay.

Si kastaba Berrada ayaa beeniyay in kooxda Premier League aysan sameynin wax isku day oo ay kusoo qaadanayaan laacibka reer Senigal.

“Xaqiiqdu waxay tahay in aan marnaba isku dayin wadaxaajood aan la galnay kooxdiisa oo ku aadan isaga,” ayuu Berrada u sheegay The Athletic.

Kooxda Pep Guardiola ayaa sanadkan lasoo wareegtay ciyaartoyda Nathan Ake oo ka yimid Bournemouth iyo Ruben Dias  oo isaguna ka yimid Benfica.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan