Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo Bournemouth kala dirtay

Manchester City oo Bournemouth kala dirtay

Citizens ayaa kulan xiiso badan u martisay dhigeeda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Daqiiqaddii 7aad ee cayaarta wiilasha macallin Pallegrini waxaa hogaanka u dhiibay Fernando oo cayaarta ka dhigay 1-0.

Shan daqiiqo kaddib Kevin de Bruyne oo kooxda muddo dhaawac uga maqnaa ayaa soo laabashadiisa gool ku dhaliyay, waxaana ka caawiyay David Silva.

Daqiiqaddii 19aad Sergio Aguero ayaa cayaarta kala dhantaalay isagoo dhaliyay goolkii saddexaad ee cayaarta.

Cayaarta oo gebagebo u muuqata daqiiqaddii 90aad Samir Nasri oo isna muddo fog dhaawac ku maqnaa ayaa goolka guryo danbeyska ka caawiyay Aleksandar Kolarov.

Kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay kusoo idlaaday 4-0 oo ay libintu ku raacday Manchester City.

About radio himilo

2 comments

  1. how to take priligy Does raloxifene Evista prevent fractures in postmenopausal women with osteoporosis

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan