Home / Cayaaro / Manchester City oo dalab ka gudbisay xiddigaha Diego Carlos iyo Jose Gimenez

Manchester City oo dalab ka gudbisay xiddigaha Diego Carlos iyo Jose Gimenez

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Manchester City ayaa u dhaqaaqday xiddigo ka ciyaara horyaalka La Liga ee dalka Spain iyaga oo meel iska dhigaya doonistoodu ku aadan saxiixa Napoli ee Kalidou Koulibaly.

Kooxda Premier League ayaa si aad ah loola xiriirinayay laacibka qaranka Senegal bilihii la soo dhaafay balse hadda waxay u muuqataa mid aan laga gaarin tallaabo guuleysata.

Madaxweynaha kooxda Napoli, Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay dhawaan in laacibka uu ku habboon yahay joogitaanka dalka Italy.

Sida ay werineyso majaladda Sport, City ayaa furatay dooqyo kale, kuwaasi oo ay dooneyso in ay lasoo saxiixato isbuucyada soo aadan.

Xiddiga Sevillia ee Diego Carlos iyo Atletico Madrid laacibkeeda Jose Gimenez ayaa ah labada dookh ee tababare Pep Guardiola farta loogu fiiqay, inkasta oo aan la ogeyn haddii ay lasoo saxiixan karaan xiddigahan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan