Home / Cayaaro / Manchester City oo isha ku heysa Isco.

Manchester City oo isha ku heysa Isco.

Himilo FM – Manchester City ayaa diyaar u ah inay tijaabiso go’aankii Real Madrid ay kula soo wareegtay Isco, sida laga soo xigtay AS.

Ciyaaryahankii hore khadka dhexe ee Malaga ayaan kamid aheyn xiddigaha sida joogtada ah ugu ciyaara kooxda Real Madrid ee uu hoggaamiyo Santiago Solari.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa daneynaya Isco,waxaana uu aaminsan yahay tababarihii hore ee Barcelona uu jeclaan lahaa in uu kasoo dejiyo garoonka Etihad.

Laacibkaan ayuu  qandaraaskiisu ku eg yahay 2022,waxaana heshiiskiisa lagu burburin karaa ugu yaraan £ 630 milyan.

Si kastaba ha ahaatee,xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa xaalad gaar ah la siiyey, Madaxweynaha Madrid Florentino Perez ayaa diyaar u ah inuu wadahadalo la furo laacibkaan.

Waxa ay u badan tahay in kooxda Etihad ay u baahnaan doonto in ay 100 milyan oo ginni ku hesho xiddigan. Juventus ayaa £100m ku iibsatay Cristiano Ronaldo xagaagii lasoo dhaafay.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan