Home / Cayaaro / Manchester City oo kalsooni ku qabta heshiiska cusub ee Raheem Sterling

Manchester City oo kalsooni ku qabta heshiiska cusub ee Raheem Sterling

Himilo – Manchester City ayaa sugi doonto mustaqbalka fog ee Raheem Sterling, iyadoo qandaraaska  uu ka dhigi doono inuu noqdo ninka ugu mushaharka badan taariikhda kooxda.

Weeraryahanka, oo u dhaqaaqay Etihad sanadkii 2015, ayaa kusoo muuqday mid ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican kubadda cagta adduunka ee uu hogaaminayo Pep Guardiola iyo macallinka England Gareth Southgate.

Wararka ayaa soo jeedinaya in Sterling uu hakiyay inuu saxiixo heshiis cusub ilaa laga kala caddeeyo mustaqbalka Guardiola ee kooxda.

Sida laga soo xigtay Metro, City ayaa ku kalsoon in ciyaaryahanka reer England uu qalinka ugu duugi doono heshiis cusub kooxda heysata Premier League – taasoo ka dhigeysa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda.

24 jirka ayaa haatan qaata 300,000 oo ginni isbuucii, laakiin heshiiska cusub ayaa lagu soo waramayaa inuu Sterling ka heli doono isbuucii 380,000 ginni.

Sterling, oo lagu qiimeeyo ku dhawaad 200 oo milyan oo ginni, ayaa dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan