Home / Cayaaro / Manchester City oo ku biirtay raacdada loogu jiro saxiixa Marcus Thuram

Manchester City oo ku biirtay raacdada loogu jiro saxiixa Marcus Thuram

Himilo – Manchester City ayaa la werinayaa in ay ku biirtay raacdada loogu jiro saxiixa Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram.
23-jirkan ayaa si cajiib ah uga soo muuqday kooxdiisa Bundesliga ololahaan 2020-21, waxa uu dhaliyay seddex gool isaga oo caawin ka geystay shan, 10 kulan oo uu ciyaaray dhammaan tartamada.
Tiro kooxo ah oo ay kamid yihiin Barcelona, Real Madrid iyo Liverpool ayaa si weyn u daneynaya weeraryahankan, kaasi oo loo magacaabay safka qaranka France bishan November kulamada ay ciyaarayaan.
Sida ay werineyso Bild, City ayaa sidoo kale si xoogan u daneeneysa Thuram, kaasi oo ah wiilka halyeyga reer France ee Lilian Thuram.
Xiddigii hore ee Guingamp ayaa shabaqa taabsiiyay 17 gool iyo 14 caawin 49 kulan oo uu u saftay naadiga reer Germeny, tan iyo markii uu yimid ololihii 2019-20.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan