Himilo – Kooxda Manchester City ayaa lasoo werinayaa in lagu soo celiyay dalabkeedii xidigga daafaca kaga ciyaara Sevilla ee Jules Kounde.
Sida ay warisay majaladda Marca, kooxda ayaa ku guul dareysatay bixinta lacag dhan 90-milyan oo pound, lacagtaas oo ah tan ugu hooseysa ee lagu fasaxi karo xidigan.
Ciyaariyahankan ayaa xagaagii lasoo dhaafay ku biiray kooxda Sevilla, isaga oo shaxda kooxda kasoo muuqday 40-jeer, markaas oo uu dhaliyay afar gool hal caawin-na sameeyay.
Kooxda City oo aan wali ciyaari kulankeedii koowaad ee horyaalka, ayaa ku furan doon ciyaarta isniinta ay qaadan doonto Wolves, markaas oo ay booqan doonto gurigga Wolves.