Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo lasoo saxiixaneysa John Stones

Manchester City oo lasoo saxiixaneysa John Stones

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku sii dhowaaneysa saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Everton iyo xulka Ingiriiska John Stones.

Macallin Pep Guardiola oo la dhibtoonaya dhaawaca Kompany ayaa suuqa ugu jira daafac dhexe wuxuuna qarka u saaran yahay inuu lacag rikoor ah kusoo qaato wiilka Everton Stones, sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa geesiga Juventus Leonardo Bonucci.
TalkSPORT ayaa ku warameysa in Stones uu ku wargeliyay kooxdiisa Toffees inuu doonayo ka dhaqaaqista gegada Goodison Park si uu ula mataanoobo macallinka reer Spain Pep Guardiola.
Ilkay Gundogan iyo Nolito ayuu durba gacanta ku soo dhigay macallin Guardiola oo xoojinaya safkiisa cusub ee Etihad ka dagaal geli doono.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan