Home / Cayaaro / Manchester City oo Man United iyo Spurs kula biirtay tartanka Milik

Manchester City oo Man United iyo Spurs kula biirtay tartanka Milik

Himilo – Manchester City, waa kooxdii ugu danbeysay ee Premier League ee ku biirta raacdada loogu jiro saxiixa Napoli ee Arkadiusz Milik.

Xiddigga xulka Poland ayaa si weyn loola xiriirinayay u dhaqaaqista Tottenham Hotspur, halka Manchester United sidoo kale la rumyesan yahay in ay xiiseeynayeen laacibkan.

Weriyaha Italy, Ciro Venerato ayaa sheegay in Citizens ay hadda kusoo biireen taratnka loogu jiro 26-jirkaan kaasi oo dhaliyay 38 gool kaddib markii uu saftay 93 kulan.

City ayaa heysan weeraryahan wakhti xaadirkan iyadoo xiddigaha Sergio Aguero and Gabriel Jesus ay kooxda kaga maqan yihiin dhaawacyo. Milik ayuu dhacayaa heshiiskiisa Stadio San Paolo fasalka soo aadan, iyada oo hadda lagu heli karo qiimo dhan £17.5m.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan