Home / Cayaaro / Manchester City oo qorsheyneysa keenitaanka Lionel Messi

Manchester City oo qorsheyneysa keenitaanka Lionel Messi

Himilo – Manchester City  ayaa la werinayaa in si dhab ah u doonaayan Lionel Messi iyaga oo doonaya qorshe ay ku qancinayaan Barcelona sidii weeraryahanka ku imaan lahaa Etihad Stadium.

33 sanno jirkaan ayaa ku guuldarreystay in uu ka hayaamo Camp Nou xagaagii lasoo dhaafay, balse waxa uu xor noqon doonaa marka la gaaro bisha June sannadka soo aadan xilligaasi oo uu dhacayo qandaraaskiisa.

Sida ay werineyso Eurosport, City ayaa xiiseeneysa laacibka qaranka Argentina, iyada oo la aaminsan yahay in mucjisadaan uu halkaasi saameyn wanaagsan ku yeelan doono.

Messi, ayaa heli doono qiimo dhan €33milyan oo Yuuro una dhiganta £30milyan oo Gini, oo kaga imaan doonto Barca taasi oo ah daacadnnimada uu naadiga ugu adeegay, xitaa haddii uu kooxda ka tegi doono xagaaga soo aadan. Messi ayaa dhaliyay lix gool iyo afar caawin 10 kulan oo uu kooxda u saftay fasalkan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan