Muqdisho – Manchester City ayaa diyaar u ah inay 150 milyan oo ginni ku dalbato xiddiga Chelsea Eden Hazard, sida laga soo xigtay Sunday Mirror.
Hazard oo haatan qandaraas kula jira Blues ayey City raadineysaa inay Real Madrid kula tartanto saxiixa ciyaaryahanka reer Belgium ee Eden Hazard.
Inkastoo City ay diiday inay lacag badan kasoo bixiso Alexis Sanchez ka hor inta uusan ku biirin Manchester United, hadana waxay aamisan yihiin in Hazard uu u qalmo qiimo weyn, Pep Guardiola ayaana doonaya inuu soo xera galiyo kubbad sameeyahaan.