Juan Mata ayaa suuliyay daqiiqaddii 81aad gool uu Crystal Palace ugu dhiibay hoogaanka Jason Puncheon daqiiqaddii 78aad si cayaarta waqtigii loogu talo galay ay ugu idlaato barbaro min gool ah.
30 daqiiqo oo dheeri ah ayaa lagu daray hayeeshee nasiib darro ayay u aheyd Chris Smalling oo daqiiqaddii 105aad loo taagay kaarkiisii labaad oo huruud ah iyo kaar cas.
Daqiiqaddii 110aad Jesse Lingard ayaa goolka guusha u dhaliyay United, isagoo 17 kulan oo hore uusan laacibku shabaqa gaarin.
Smalling ayaa noqday laacibkii 4aad oo kaarka cas qaata Finalka FA Cup, waxaa dhibtaa ay hore u gaartay (Kevin Moran 1985, Jose Reyes 2005 iyo Pablo Zabaleta 2013).
Manchester United ayaa guuleysatay labo Final oo FA Cup ay timid oo xiddigo laga siiyay kaarka cas, waxayna kala ahaayeen 1985 iyo 2016.
Man UTD ayaa ku guuleysatay FA Cup goorteedii 12aad, waxayna barbareysay diiwaankan oo Arsenal meel u yaalay.
Van Gaal ayaa noqday macallinkii saddexaad oo Netherland u dhashay oo ku guuleystay FA Cup waxaana kaga horeeyay Guus Hiddink iyo Ruud Gullit.
12 sanadood ayay sugeysay United in goorteedii 12aad ay hanato Koobka ugu facaweyn Ingiriiska, waana koobkii u horeeyay oo kooxdu hanatay tan iyo 2013 markaasoo uu macsalaameeyay geesigoodii Sir Alex Ferguson.
Kabtan Rooney ayay u aheyd FA Cup inuu ku guuleysto goortiisii ugu horeysay taariikhda si lamid ah Fellaini.
Genes Dev 20 3130 3146 how to take priligy His prices may be higher than some other places, but the level of care his office provides is worth it