Manchester United oo 90 milyan Gini ku dooneysa Harry Kane

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay tijaabiso go’aan ay kusoo qaadanayaan laacibka Tottenham Hotspur weerarka ugu ciyaara ee Harry Kane kaasi oo ay kusoo iibsanayaan adduun dhan  90 milyan ginni.

Hoggaamiyaha  kooxda ayaa wali seddex sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa Waqooyiga London xilli kooxda ay ku dhibtooneyso inay u soo baxdo Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, United ayaa dooneysa inay 90 milyan oo ginni ku dalbato xiddiga reer England inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

error: Copy lama Ogola Fadlan