Home / Cayaaro / Manchester United oo cusbooneysiineysa dalabkooda Raphael Varane

Manchester United oo cusbooneysiineysa dalabkooda Raphael Varane

Himilo – Manchester United ayaa ceyrsaneysa daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay doonistooda ku aadan laacibka qaranka France in ay u doonayaan boos dhexe oo daboola baahida daafaca ee naadiga.

Si kastaba, Varane ayaa hadda ku jira 18 –kii bilood ugu danbeysay ee heshiiskiisa naadiga, Manchester Evening News waxay ku warrameysaa in United bilaabi doonto dalab cusub oo ay ku doonayaan xiddigan.

Varane ayaa kusoo billowday 10 ka mid ah 11 kulan oo uu u dheelay Madrid dhammaan tartamada fasal ciyaareedkan 2020/21.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan