Himilo – Manchester United ayaa lagu warramayaa in ay isku diyaarinyaan ka gudbinta dalab laacibka AC Milan weerarka ugu ciyaara ee Hakan Calhanoglu kaasi oo ay rabaan in ay la galaan qandaraas shan sano ah oo uu laacibka ku imaanayo Old Trafford.
26-jirkaan ayaa si wanaagsan ugu ciyaaray Milan xagagan 2020-21, isaga oo dhaliyay afar gool halka afar caawin uu sameeyay siddeed kulan oo uu ciyaaray dhammaan tartamada.
Xiddiga qaranka Turkey ayuu qandaraaskiisa naadiga dhacayaa June sannadka soo aadan, iyada Gazzetta dello Sport, sheegeyso in United xiiseeneyso keenitaanka laacibka Premier League.
Calhanoglu ayaa San Siro kaga yimid Bayer Leverkusen sannadkii 2017, tan iyo markaa waxa uu naadiga u saftay 137 kulan isaga oo dhaliyay 27 gool halka uu caawiyay 40 gool