Himilo – Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsaneyso inay dib u soo ceshato xiisaha ay u qabto weeraryahanka Barcelona Memphis Depay.
Maalmihii la soo dhaafay, United ayaa u muuqatay mid suuqa kala iibsiga weli ku jirta kadib markii ay Casemiro kala soo wareegtay kooxda Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, rajada Manchester United ayaa ah in ay sameyso heshiisyo dhowr ah oo ay ku keeneyso Premier League xiddigo ka hor bilowga Sebtembar.
Dhanka kale, sida ay sheegayaan wararka Antony oo ka tirsan kooxda Ajax waxaa suura gal ah inuu u soo kaba qaado imaanshiyaha Old Trafford maalmaha soo socda.