Manchester United ayaa hindistay qorshe weyn oo ay ku dooneyso iney kusoo xerogaliso garabka Real Madrid Gareth Bale iyadoo xidigaan kusoo jiidaneysa mushaar waali ah sida ay sheegtay OK Diario.
Red Devils ayaa loo tixgeliyaa iney sanado badan daba ordeysay Gareth Bale, waxaana la fahamsan yahay haatan iney kooxda wadahadal la furtay wakiilka xidigaan.
Warbixinta ayaa sheegeysa in koxoda ka dhisan Old Trafford ay jeebka u galin doonto Gareth Bale aduun dhan 16.7 Malyan Oo Pound oo ay ka banaanka tahay canshuurta waana sheeko u suuragalin karta inuu xidigaan dib ugu soo laabto horyaalka Premier League-ga.
27-jirkaan ayaa dhawaan sheegay inuu jeclaan lahaa sii joogtiaanka Bernabeu, balse uu dalbaday in laga dhigo xiddiga ugu mushaarka badan kooxda, walow Florentino Perez lagu soo waramayo inuu ka biyo diiday in Bale uu ka dhigo wiilka ugu sareeya mushaaraadka.