Home / Habka-Nolosha / Manchester United oo guul ay dhib u martay ka gaartay Everton

Manchester United oo guul ay dhib u martay ka gaartay Everton

Anthony Martial gool uu waqti danbe dhaliyay ayaa ka saaciday Manchester United inay iska xaadiriso kama dambeynta koobka Ingiriiska ugu faca weyn ee FA Cup.

Manchester United ayaa 2-1 uga talaabsatay kooxda Everton oo wareega afar dhammaadka ay ku dheeleen gegada Wembley.

Red Devils ayaa hogaanka cayaarta qabatay qeybtii koowaad markii uu shabaqa gaaray xiddigii hore ee Toffees dhexda u maamuli jiray Marouane Fellaini, oo gool dhex dhigay shabaqa daqiiqaddii 34aad kaddib caawin uu ka helay Martial.

Qeybtii labaadse nasiib darro cayaarta oo ay ka harsan tahay 15 daqiiqo daafaca United Chris Smalling ayaa gool iska dhaliyay kana dhigay in howshu ay barbaro noqoto.

Everton oo dhowr fursadood iska qasaarisay si ay guul u gaarto ayaa jabtay waqtigii dheeriga ahaa ee cayaarta markii Anthony Martial uu gool ku hor dhaliyay 86,064 taageere si kooxdiisu ay u gaarto booska ugu danbeeya ee tartankaan.

Guuldarradaan soo gaartay Everton ayaa culeyska ku sii kordhineysa macallin Martinez oo guul gaari la’ toddobaddii kulan oo ugu danbeysay dhammaan tartamada, halka Van Gaal uu isku diyaarinayo in markale Wembley uu ku dheelo bisha soo socota, markaasoo Finalka FA Cup ay foodda dari doonaan midkood Crystal Palace ama Watford.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan