Home / Cayaaro / Manchester United oo iibin karta David de Gea

Manchester United oo iibin karta David de Gea

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka arrinsaneyso suurtagalnimada iibinta goolhayaha koowaad ee kooxda David de Gea suuq furanka xagaaga.

De Gea ayaa qalinka ugu duugay United heshiis cusub bishii September ee tagtay laakiin sida laga soo xigtay Goal.com, cayaaryahanka reer Spain ayaa loo oggolaan karaa in uu ka tago kooxda dhammaadka xilli cayaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in Dean Henderson oo kooxda uga maqan ammaah uu cajab geliyay madaxda United iyaga oo u arka laacibka reer England in uu noqon karo goolhayaha koowaad ee Old Trafford.

De Gea ayaa ka soo muuqday 392 kulan oo uu u saftay Man United tan iyo markii uu yimid kooxda bishii July ee sannadkii 2011-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan