Home / Uncategorized / Manchester United oo indhaha ku heysa xiddig ka dhaqaaqay Man City

Manchester United oo indhaha ku heysa xiddig ka dhaqaaqay Man City

Himilo FM –Manchester United ayaa isku dayaysa inay la soo wareegto xiddiga Dortmund Jadon Sancho, iyadoo dooneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga garabka ka ciyaara xagaagan, sida ay qortay Metro.co.uk.

18 jirkan ayaa Manchester City kaga soo biiray Bundesliga sannadkii 2017 kaddib markii uu diiday heshiis £ 30,000 todobaadkii ah oo uu ku sii joogayo Etihad.

Go’aanka Sancho ayaa la is waydiiyay wakhtigaas lakiin waxa uu cadeeyay in go’aankaas uu khaldan yahay tan iyo markii loogu yeeray xulka England ee sannadka 2018 isagoo  ku helay qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee Dortmund.

Da ‘yarka ayaa haatan loo tixgelinayaa inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka  ku leh kubadda cagta Yurub.

Inkastoo aan la hubin tababaraha joogtada ah ee kooxda United, gudiga United ayaa  qorsheynaya  suuqa kala iibsiga xagaaga iyadoo daafaca dhexe uu  u yahay mudnaanta koowaad, United ayaa daawatay Sancho tan iyo markii uu go’aansaday inuu u dhaqaaqo Jarmalka.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku jira 12-kiisa billood ee ugu danbeysa, Dortmund ayaana ku qiimeysa adduun dhan £ 90m.

Si kastaba ha ahaatee, Pep Guardiola ayaa qiray in Sancho ay u badan tahay inuu ku laaban doono kooxda inta uu madax ka yahay City, Sanchon ayaa  u furan dib ugu laabashada  Premier League.

Jesse Lingard, Marcus Rashford, Alexis Sanchez, Juan Mata iyo Romelu Lukaku ayaa dhamaantood loo isticmaalay garabka middig, laakiin waxay diirada saaraan boosas kale.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan