Home / Cayaaro / Manchester United oo iska iibineysa afar daafac

Manchester United oo iska iibineysa afar daafac

Himilo – Kooxda Manchester United ayaa qorsheeneysa iibinta afar daafac si lacagaha ugu soo xarooda ay ciyaartoy badan ugu soo iibsadaan sida Villarreal daafacadeeda dhexe Pau Torres.

Sida ay ku warrameyso Express, Red Devils hoggaamiyaheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa daneynaya soo qaadashada xiddigo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaaryahannada bisha January waxaana uu kooxda ka diri doonaa laacibiin badan sida Victor Lindelof, Marcos Rojo, Phil Jones iyo Eric Bailly.

United ayaa xiiseneysa soo qaadashada laacibka reer Spanish ee Torres, kaasi oo lacagaha lagu qiimeeyo gaarsiisan tahay £60-million. Kooxda Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale kamid ah naadiyada daneynaya 23 sanno jirkaan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan