Home / Cayaaro / Manchester United oo iska iibineysa shan ciyaaryahan oo kooxda koobaad ah xagaagan

Manchester United oo iska iibineysa shan ciyaaryahan oo kooxda koobaad ah xagaagan

Himilo – Kooxda Man United ayaa  beddeli karto ilaa shan xiddig oo kooxda 1-aad ah inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo qayb ka ah kooxda dib u habaynta lagu sameeyay.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay ku dhowdahay saxiixa ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, kaasoo la sheegayo inuu u arko Anthony Martial inuu ka tago kooxda suuqa haatan jira.

Sida laga soo xigtay ESPN, sidoo kale Martial, Donny van de Beek, Diogo Dalot, Andreas Pereira iyo Jesse Lingard ayaa dhamaantood ka tagi kara kooxda Ole Gunnar Solskjaer ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

Van de Beek ayaa ku dhibtooday inuu ka soo muuqdo Old Trafford xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu ka yimid Ajax, halka Dalot iyo Pereira ay amaah ku qaateen AC Milan iyo Lazio.

Lingard, ayaa sidoo kale amaah ugu biiray West Ham United qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2020-21, weeraryahanka kaliya 12 bilood ayaa uga harsan inuu ku ordo qandaraaskiisa haatan ee Old Trafford.

Kooxda Solskjaer ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay dooneyso inay lasoo saxiixato daafac dhexe oo cusub xagaagan, taasoo suuragal ka dhigeysa inuu Axel Tuanzebe ka tago muddo gaaban.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan