Goolal ka kala yimid Marcus Rashford iyo Marouane Fellaini ayaa Manchester United u horseeday in wareega lixaad ee FA Cup oo rogaal celis ahaa ay 2-1 uga taqalusto kooxda West Ham United.
Inkastoo weerarkii u horeeyay oo garoonka ay qaaday kooxda martiga loogu ahaa Upton Park, haddana fursado dhowr ah oo goolal loo fishay waxaa United ka qasaariyay xiddigo ay kamid yihiin Rashford, Lingaard iyo Carrick.
Qeybtii hore oo kulanka ayaana lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah xilli kubadda ay badi maamulaneysay kooxda martida ah ee Red Devils.
Marcus Rashford ayaa goolka koowaad u dhaliyay United daqiiqaddii 54aad oo cayaarta, waxaana u labeeyay daqiiqaddii 67aad laacibka Marouane Fellaini.
West Ham ayaase goolka calanka ka heshay James Tomkins daqiiqaddii 79aad, cayaarta ayaana waqtigii loogu talo galay kusoo idlaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday wiilasha macallin Van Gaal.