Himilo – Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhawaaneyso soo xero gelinta xiddiga u ciyaara Borussia Monchengladbach ee Denis Zakaria bishan January.
25 jirkan reer Switzerland ee heerka caalami ah, waxaa daneynaya kooxo waa weyn dhowr ah. inta lagu gudo jiro suuq furankan ayaa lagu wadaa inuu ka baxo naadigiisa.
Wargeyska The Mirror ayaa soo weriyay in United ay dooneyso inay Denis keento gegida Old Trafford xagaagan. qiimo dhan £25 milyan ayay kula soo wareegi kartaa.
Liverpool, Arsenal, Barcelona, Bayern Munich iyo Juventus dhammaantood waxay sheegeen inay xaaladda xiddiga si hoose ula socon doonaan.